Garoweon Line : Tahir Al-Qadri: Naarta ayaad ku danbayn

Mar 2, 2010 - 12:52:39 PM

Shiikh Tahir Ul-Qadri oo Pakistani ah oo hogaamiya kumanyaal muslin ah, ayaa booqasho London u jooga si uu u soo bandhigo warbixin uu ugu magacdaray fatwa oo caalami ah oo cambaaraynaysa argagixisada iyo isqarxinta.

Shiikh Dr Tahir Ul-Qadri ayaa ku doodaya, in dadka is qarxiya ay ka danbayso cadaab, wuxuuna sheegay inaan qof muslin uusan ku sir min in falka argagixiso iyo isqarxin uu u horseedi doono jano aad waligeed ku jiraysid.

Wadaadka wuxuu ku tilmaamay Alqacida shaydaan duq ah oo magac cusub la baxay, walina aan si fiican suaal looga keenin.

Wadaadka Dr Qadri ayaa sheegay in Islamka uu xaarantimeeyay, xasuuqa iyo dilka dadka aan waxba galabsan ee rayidka ah iyo isqarxinta.

Dr Qadri wuxuu ka tirsan yahay urur Islaami ah, Minhaj Ul-Quran International oo ka jira 70 wadan.

Source : http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Naarta_ayaad_ku_danbayn.shtml

Comments

Top